kubbadda cagta
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
KUBBADDA CAGTA
FOOTBALL

football
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubbadda cagta
f. n. football, soccer (game ~ ball)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbadda cagta
(n) football (fuutbool); soccer (sokar)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubbadda_cagta
de: football, soccer (game ~ ball)
lx: kubbadda cagta
ps: np-f
key: kubbadda_cagta
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
KUBBADDA GACANTA
HANDBALL
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kubbadda gacanta
handball
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubbadda gacanta
f. n. volleyball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbadda gacanta
(n) volleyball (vaali bool)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gool
1. (Gool-ka) a) Neef xoolo ah oo lab oo cayiley ama la cayiliyey, b) Waraaqaha doonyaha iyo maraakiibta iyo dayuuraduhu ay sitaan oo lagu qoro magacooda iyo meeshay ka yimaadeen, iyo waxa ay sidaan, kd. c)* (kubbadda cagta) kolka la dhaliyo oo kubbaddu yoolka gasho; yool; duq.
2. (Goo-sha) a) Neef xoolo ah oo dheddig oo aad u shilis. b) Libaaxa, tan dheddig; baranbarqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariifin
(Xariifin-ta)
1. Xariifnimo iyo tabo lagu wareero, qof, kubbadda cagta (ama mid kale) kula cayaarid; u googgoyn; wareerin.
2. (is xariifin) qof wax xariif ku ah, iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariiftan
(Xariiftan-ka)
(kubbadda cagta, kd.) aqoonta iyo tabaha xariifku yaqaan oo kubbadda dadka kale u seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calanhaye
m.l (-yayaal, m.dh) Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. la-mid: calanwale.

cayaartoy
cayaartoy¹: m.l (cayaartoy, m.dh) Nin nooc cayaaraha ka mid ah loo tababbaray oo yaqaan sida loo dheelo. la-mid: ciyaartoy¹.
cayaartoy²: m.dh 1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iyo wixi lamida. la-mid: ciyaartoy².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigoore
m.l (-rayaal, m.l/dh) Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).

yool
m.l 1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iyo wixi lamida lagu dheelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calanhaye
m.l (-yayaal, m.dh) Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. la-mid: calanwale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayaartoy
cayaartoy¹: m.l (cayaartoy, m.dh) Nin nooc cayaaraha ka mid ah loo tababbaray oo yaqaan sida loo dheelo. la-mid: ciyaartoy.
cayaartoy²: m.dh 1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iyo wixi lamida. la-mid: ciyaartoy.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darbadee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta). m.f.dh, darbadayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rigoore
m.l (-rayaal, m.l/dh) Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yool
m.l 1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iyo wixi lamida lagu dheelo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
FOOTBALL
KUBBADDA CAGTA
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
football
kubbadda cagta
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
football player
ciyaartoyga kubbadda cagta
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
football
/fuutbool/ (n) 1. ciyaarta kubbadda cagta. (n) 2. ciyaar Ameerika laga yaqaan, banooniga gacanta lugu baaso, sidii yool-yookii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gate
/geyt/ (n) 1. ganjeello, albaab weyn (n) 2. lacagta ay bixiyaan daawada-yaasha ciyaarta, siiba kubbadda cagta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sideline
/saydh layn/ (n) 1. shaqada labaad (qofka shaqadiisa labaad) 2. xarriiqda dheer ee garoonka kubbadda cagta lugu xadeeyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soccer
/sokar/ (n) kubbadda cagta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbadda cirka
Celestial sphere
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubbadda_gacanta
de: volleyball
lx: kubbadda gacanta
ps: np-f
key: kubbadda_gacanta
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
KUBBADDA LALISKA
VOLLEYBALL
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kubbadda laliska
volleyball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbadda miiska
(n) table tennis; ping-pong (pin poong) ~ (teeniska)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kubbad-da miiska
ping-pong.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kubbadda koleyga
basketball
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubbadda koleyga
n. phr. basketball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kubbadda koleyga
(n) basketball (baaskitbool)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kubbad dhimatay
dead ball
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubaddawaco
(Kubaddawaca-da)
Caloosha xoolaha dhinaceeda lakabyada leh; kubabbaalalley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubaddawaco
m.dh Mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kubaddawaco
m.dh Mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubaddawaco
f. n., [compound] layers of an animal's stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubaddawaco
-da: (magac, dhedig, keli) caloosha xoolaha dhinaceeda lakabyada leh; kubabbaalalley. kubadhagaxoobid -da: (magac, dhedig, keli) kubadhagaxow qabid ama ku dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubaddawaco
de: layers of an animal's stomach
lx: kubaddawaco
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: kubaddawaco
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbad badh
Hemisphere
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jubbada Sare
pr. n., loc. Upper Juba [region in south Somalia.]
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabaqadda carada
Mantle Rock
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubbadda_koleyga
de: basketball
lx: kubbadda koleyga
ps: np
key: kubbadda_koleyga
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kubbadpa koleyca
basketball
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makiinadda farta
f. n. typewriter